Mucaaradka iyo Muxaafidka Soomaaliya: Xilliyada Doorashooyinka iyo Dhamaadka Muddo-Xileedka.

Soomaaliya waa dal leh taariikh siyaasadeed oo qoto dheer, marna deggan marna qalafsan, Xilliyada doorashooyinka ama marka ay dhamaad tahay muddo xileedka madaxda sare waxaa si gaar ah u soo baxa baahida wada-xaajood oo dhex mara siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidka. Wada-xaajoodyada ma aha dastuuri ah balse waa tiirka xasiloonida siyaasadeed, kalsoonida dadweynaha, iyo joogteynta dowladnimada.
Tan iyo markii dib loo yagleelay jamhuuriyada sedexaad oo la dhisay dowladihii ku meel gaarka ahaa, wada-xaajoodku wuxuu noqday aaladda ugu muhiimsan ee lagu dhiso hay’adaha dowliga ah. Waxaa tusaale u ah dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku timid shirar iyo heshiisyo badan oo dhex maray hoggaamiyeyaal kala aragti duwan. Xilliyada doorashooyinka, xiisadda siyaasadeed si dabiici ah ayay u korodhaa. Mucaaradku wuxuu dalbadaa hannaan doorasho hufan, sharciyeysan oo daah-furan; muxaafidkuna wuxuu ku doodaa in nidaamka doorasho uu waafaqsan yahay dastuurka iyo duruufaha dalka.
Haddii wada-xaajood la waayo, khilaafku wuxuu isu beddeli karaa is aamin darro guud iyo xasarad bulsho. Sidaa darteed, kulamada ay yeeshaan madaxda dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo dowladda federaalka, mararka qaarkood lagu qabto xarumta madaxtooyada ee Villa Somalia, waxay noqdaan kuwo indhaha shacabka si dhow u eegaan. qodobbada ugu adag ee la isku qabto waxaa ka mid ah nooca doorashada mid toos ah mise mid dadban? Wada-xaajoodka noocan ahi wuxuu u baahan yahay tanaasul iyo aragti fog. Tanaasulku ma aha daciifnimo; waa aqbalidda xaqiiqda ah in dan guud laga hormariyo dano gaar ah.
Dhamaadka muddo-xileedka madaxda sare waa marxalad xasaasi ah, marka uu waqtigu sii dhammaanayo, waxaa soo baxa su’aalo la xiriira sharciyadda sii-haynta xilka, jadwalka doorashada, iyo cidda maamuleysa geeddi-socodka kala guurka. Haddii aan si wadajir ah loo qorsheyn kala guurka, waxaa dhalan kara khilaaf sharciyeed iyo mid siyaasadeed. Soomaaliya waxay hore u soo aragtay waqtiyo ay muddo-kordhin muran dhalisay, taasoo keentay dibadbaxyo iyo cadaadis caalami ah.
Doorka beesha caalamka sidoo kale waa mid muuqda. Dalalka deriska iyo hay’adaha caalamiga ah waxay ku booriyaan dhinacyada inay wada hadlaan oo ka fogaadaan rabshad. Si kastaba ha ahaatee, xalka ugu waara wuxuu ka imanayaa gudaha dalka. Marka siyaasiyiintu muujiyaan bisayl iyo dulqaad, waxay shacabka u diraan fariin ah in khilaafka lagu xallin karo miiska wada-xaajoodka, halkii lagu xallin lahaa waddooyinka ama hubka.
Waxaa kaloo muhiim ah kaalinta bulshada rayidka ah, culimada, haweenka iyo dhalinyarada. Inkasta oo aysan mar walba toos uga qaybgelin miiska wada xaajoodka, haddana cadaadiska iyo taladoodu waxay saameyn ku yeeshaan go’aamada la gaaro. Warbaahintu iyaduna waa seef laba af leh: waxay kicin kartaa dareen, ama waxay fududeyn kartaa is faham.
Marka la eego dhinaca dastuurka, qodobada qeexaya awood-qaybsiga federaalka iyo dowlad goboleedyada mararka qaar waa kuwo fasiraad u baahan. Tani waxay keentaa in mucaaradku ku doodo in sharci gaar ah la jabiyay, halka muxaafidku ku adkaysto fasiraad kale. Xalka ugu macquulsan waa in la helo guddi madax-bannaan oo sharci-yaqaanno ah oo talo mideysan ka bixiya, si loo yareeyo muranka.
Wada xaajoodka guuleysta wuxuu leeyahay dhowr tiir: kalsooni, daah furnaan, iyo ajande cad. Haddii kulamada lagu qabto si qarsoodi ah oo aan shacabka loo sharraxin waxa lagu heshiiyay, waxaa sii kordha shaki. Laakiin marka war-saxaafadeed cad la soo saaro, ama heshiis qoran la shaaciyo, bulshada waxay dareemeysaa in codkooda la tixgeliyay.
Dhanka kale, waxaa jira caqabado muuqda sida amniga, faragelinta qabiilka, iyo loollanka shaqsiyaadka. Qabiilku weli waa arrin saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Inkasta oo nidaamka 4.5 loo arkay xal ku meel gaar ah oo lagu maareeyo saamiga beelaha, haddana wuxuu noqday qodob mar kasta la isku hayo. Qaar waxay u arkaan in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa, halka qaar kalena ay ku doodayaan in aan weli la gaarin heer lagu kalsoonaan karo oo ka baxsan nidaamkaas.
Gunaanad ahaan, wada-xaajoodka siyaasiyiinta, mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya xilliyada doorashooyinka ama marka ay dhamaad tahay muddo xileedka madaxda, waa geeddi-socod lama huraan ah. Waa imtixaan muujinaya bisaylka dimuqraadiyadda iyo awoodda hoggaamiyeyaasha ee ay ku hormarin karaan danaha qaranka. Haddii la helo wada xaajood ku dhisan ixtiraam, tanaasul iyo aragti qaran, Soomaaliya waxay qaadi kartaa tallaabooyin waaweyn oo ku wajahan xasillooni iyo horumar waara. Haddii se khilaafka la adkeeyo oo la diido wada hadal, waxaa khatar ku jirta kalsoonida shacabka iyo mustaqbalka dowladnimada.
Sidaas darteed, marka waqtigu ciriiri noqdo oo muddo xileedku dhammaado, waxa ugu muhiimsan ma aha cidda guuleysata, balse waa sida loo maareeyo kala guurka. Dal kasta oo doonaya horumar waara wuxuu ku tiirsan yahay awoodda uu u leeyahay inuu si nabad ah ku kala wareejiyo hoggaanka. Soomaaliya, oo leh taariikh adag iyo rajo weyn, waxay u baahan tahay in wada-xaajoodku noqdo dhaqan joogto ah, ee uusan noqon mid ku kooban oo keliya xilliyada doorashada.


Leave A Comment