Blog-01-01

Dhallinyaradu ma aha mustaqbalka oo keliya, waa manta iyo beri.

ka qaybgalka dhallinyarada ee siyaasadda iyo maamulka waa aasaaska dowladnimadda dimuqraadiga ah. Maamul dowli ah oo aan dhallinyaradu door cad iyo talo ku lahayn waa fikir duugoobay waxayna halis ugu jirtaa burbur iyo in dhallinyara looga faa’ideyso wado qaldan.

Dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa tusaale fiican u ah sida ay dhallinyaradu u beddeli karaan siyaasadda marka la siiyo fursad, tababar iyo kalsooni. Soomaaliya gudaheeda, koritaanka tirada dhallinyarada iyo rabitaankooda isbeddel ayaa muujinaya in la joogo waqtigii la dhisi lahaa hannaan dowladeed oo si dhab ah u metela mustaqbalka jiilka cusub.

dowladnimo dhab ah waxay ku dhisan tahay aqoon iyo wacyi bulsho. Dhallinyarada maanta waxay haystaan fursado aan hore loo arag, tiknoolajiyad, isgaarsiin iyo helitaan xogo caalami. Haddaba, waa in dowladdu u beddeshaa awooddaas aqooneed mid si wax ku ool ah uga qaybqaadata qorshayaasha qaranka.

dowladdu waa inay dhistaa jawi furan oo dhiirrigeliya hal-abuurka dhallinyarada, halka dhallinyaraduna ay muujiyaan mas’uuliyad, daacadnimo, iyo wadaniyad. Dhisidda dowladnimo adag waxay ku imanaysaa marka jiilka cusub uu dareemo inuu leeyahay qayb dhab ah oo ka mid ah go’aanada qaranka.

Gebogebadii, dowladnimo aan dhallinyaro firfircoon lahayn waa jir aan laf lahayn. Sidaas darteed, si loo helo dowlad xooggan, waa in la dhisaa jiil leh aqoon, aragti iyo ka-qaybgal siyaasadeed iyo mid maamul.

Dhallinyaradu ma aha mustaqbalka oo keliya, waa manta iyo beri. iyaga ayaana noqon doona dhisayaasha dowladnimo casri ah oo la jaan qaada dunida.

Tags: No tags

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *